Dib U Eegid: Mason Greenwood Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Ay Dhigeen Romelu Lukaku & Wayne Rooney

Xiddiga wacdaraha ka dhigaya kooxda Man United ee Mason Greenwood ayaa bar-bareeyay rikoodh premier League ay ka dhigeen xiddiga Romelu Lukaku iyo Wayne Rooney kadib goolkii da’yarka.

Mason Greenwood ayaa kooxdiisa Man United ka badbaadiyay guuldaro ka soo gaadha kooxda West Ham kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kadib goolkaas xiddiga Mason Greenwood ayaa bar-bareeyay rikoodh Premir League ka yaala oo ay dhigeen laba xiddigb oo ka soo ciyaaray kooxda Man United.

Rikoodhkaas ayaa ah in uu Mason Greenwood noqday xiddigii ugu horeeyay ee da’yar ah dhaliya 10 gool oo premier League ah xilli ciyaareed kaliya tan ilaa markii uu Romelu Lukaku Sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2012/2013 markaas oo uu dhaliyay 14 gool.

Dhanka kale Mason Greenwood ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee u dhashay dalka England ee dhaliya 10 gool oo premier League ah xilli ciyaareed kaliya isaga oo da’yar ah tan ilaa Wayne Rooney oo sidaas ameeyay xilli ciyaareedkii 2004/2005 kaas oo dhaliyay 11 gool.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Shirkii Wadatashiga Ee Dawlada Federaalka Somaliya & Dawladaha Xubnaha Ka Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*