Dib U Eegid: Man United Oo Ku Sii Siqaysa Rikoodh Taariikhi Ah Oo Ay Ka Dhigtay Premier League Kadib Bar-Barihii Liverpool.

Kooxda Man United ayaa sii waday guuldaro la’aanta kulamada martida kadib markii ay bar-baro la gashay Liverpool kulan ka dhacay Anfield.

Red Devils ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool kulan ka tirsanaa todobaadkii 18-aad ee horyaalka.

Kadib bar-barahaas kooxda Man United ayaa guuldaro la’aan ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Marka kaliya ee ayna guuldaro la kulmin kulamo intaas ka badan ayaa ahayd bishii September sanadkii 1999 markaas oo ayna tartamada oo dhan wax guuldaro ah la kulmin 17 kulan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uuna Gacaliyahaag Waligaa Kaa Tagin, 3-dan Arin Ayaad Ku Dagi Kartaa Qalbigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*