
Kooxda Man United ayaa ku fashilantay in ay guul gaadho kulankeedii 2-aad ee horyaalka premier League iyaga oo bar-baro la galay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka.
Koxoda Man United ayaa Southampton la gashay bar-baro 1/1 ah kulan ka dhacay garoonka Saint Mary’s Stadium waxana ay ku fashilmeen in ay helaan 3-da dhibcood ee kulanka.
Laakiin Man United ayaa boodhka ka jafatay rikoodh cajiib ahaa waliba bar-baraysay rikoodh ay Arsenal ka dhigtay horyaalka premier League muddo dheerna aan la jabin.
Man United ayaa guuldaro la’aan ah kulankii 27-aad oo xidhiidh ah kulamada martida ee ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda Old Trafford horyaalka Premier Leaue.
Sidaas darteed Man United ayaa bar-baraysay rikoodhkaas oo ay dhigtay kooxda Arsenal intii u dhexaysay April 2003 Iyo September 2004.
Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.