Dib U Eegid: Man City Oo Bar-Baraysay Rikoodh Cajiib Ah Oo Ay Arsenal 19 Sano Ka Hor Ka Dhigtay Premier League.

Kooxda Man City ayaa garaacday Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Turf Moor.

Goolal ay dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Raheem Sterling ayaa Man City ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah oo horyaalka premier League ah.

Man City ayaa gaadhay guusheedii 13-aad ee tartamada oo dhan oo xidhiidh ah xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaaceen Burnley.

Kadib guushaas kooxda Man City ayaa bar-baraysay ama boodhka ka jafatay rikoodh cajiib ah oo ay Arsenal horay uga dhigtay Premier League.

Kooxda Man City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee guul gaadha 13 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan tan ilaa 2002 markaas oo ay Arsenal ahayd kooxdii sidaas samaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*