
Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier Leageu.
Goolal ay dhaliyeen Roberto Firmino, Trent Alexander-Arnold Iyo Sadio Mane ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul ay u qalantay.
Xiddiga Roberto Firmino ayaa goolasha u furay kooxdiisa daqiiqadii ugu dambaysay ee qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kadib goolkaas Roberto Firmino ayaa kooxdiisa ka saaray Abaarta goolasha premier League oo muddo dheer haystay kulamadii ugu dambeeyay ee premier League.
Liverpool ayaan wax gool ah dhalina 3-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League iyaga oo aan wax gool ah dhalin 482 daqiiqo.
Be the first to comment