Dib U Eegid: Liverpool Oo Isku Qortay Taariikhda Premier League Kadib Guushii West Ham.

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah Iyo Diogo Jota ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul muhiim ah oo ay Liverpool ka gaadhay horyaalka prmeier Leaggue.

Kadib guushaas Liverpool ayaa isku qortay taariikhda horyaalka premier League iyaga oo noqday waliba kooxdii 2-aad ee taariikhda sidaas samaysa.

Liverpool ayaa noqotay kooxdii 2-aad ee taariikhda horyaalka premier League looga hor maray goolka 1-aad 3 kulan oo xidhiidh ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda laakiin dhamaantood wada badisay kadib Blackburn Rovers oo sidaas samaysay November 2009.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*