Dib U Eegid: Liverpool Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 4 Sano Ka Hor.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Emirates iyaga oo la kulmay guuldaradii 3-aad ee premier League.

Reds ayaa ku hor martay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Sadio Mane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 20-aad ee qaybta hore.

Laakiin Reds ayaa laga dhaliyay 2 gool oo deg-deg ah kadib laba khalad oo ay sameeyeen daafacyada Kooxda Liverpool taas oo Gunners ka caawisay in ay dhaliyaan 2-da gool.

Kadib arintaas Liverpool ayaa markii ugu horaysay 2 gool laga dhaliyay kadib markii ay gool ku hor mareen tan ilaa sanadkii 2016 gaar ahaan bishii December markaas oo ay la ciyaarayeen West Ham.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay isla kulankaas sameeyeen 2 khalad oo si toos ah gool looga dhaliyay kadib markii ay dhaliyeen goolka furitaan ee kulanka.

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Masar Oo Wafti Qarsoodi Ah U Soo Dirtay Somaliland Xilli Muranka Ay Kula Jiraan Itoobiya Cidka Isku shareeray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*