Dib U Eegid: Liverpool Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay Premier League 5 Sano Ka Hor.

Kooxda Liverpool ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo premier League ah kadib guuldaradii Ka soo gaadhay Fulham.

Liverpool ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Reds ayaa laga dhaliyay 3 gool qaybtii hore ee kulankii ay guuldarada kala kulantay Fulham kulan ka tirsanaa premier League.

Kadib dhacdadaas Liverpool ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay dhigtay sanadkii 2020.

Liverpool ayaa laga dhaliyay 3 gool qaybta hore kulan premier League ah markii ugu horaysay tan laa October 2020 markaas oo 4 gool laga dhaliyay qaybta hore kulan ay guuldaro 7/2 ah kala kulantay Aston Villa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga