Dib U Eegid: Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Xavi Ka Dhigay La Liga

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa ka qayb qaatay guushii ay Barcelona ka gaadhay kooxda Real Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 35-aad.

Gool uu Arturo Vidal ayaa Barcelona ku hogaamiyay guul ay aad ugu baahnayd si ay Real Madrid uga hor istaagto in ay todobaadkan ku guulaysato horyaalka La Liga.

Arturo Vidal ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 15-aad ayuu caawiye ka ahaa kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo caawintaas ku bar-bareeyay rikoodhkii Xavi.

Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee xilli ciyaareed kaliya caawiye ka noqday horyaalka La Liga tan ilaa Xavi oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2008/2009.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*