Dib U Eegid: Kalidou Koulibaly Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Michael Essien U Dhigay Blues Kadib Goolkiisii Tottenham.

Daafaca kooxda chelsea ee Kalidou Koulibaly ayaa durba isku qoray taariikhda kooxdiisa kadib markii uu gool dhaliyay kulankii ay Blues bar-baraha la gashay kooxda Tottenham.

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Stafmord Bridge kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga Kalidou Koulibaly ayaa furay goolasha kooxdiisa kadib markii uu gool qurux badan u dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta.

Kadib goolka xiddiga Kalidou Koulibaly ayaa boodhka ka jaftay rikoodh uu Michael Essien u dhigay Chelsea sanadkii 2006 kulan premier League ahaa.

Xiddiga Kalidou Koulibaly ayaa noqday xiddigii ugu horeyay ee chelsea u dhaliya goolkiisa ugu horeeya ee premier League iyada oo Blues la ciyaarayso kooxda Tottenham kadib Michael Essien oo sidaas sameeyay bishii March ee sanadkii 2006.