
Chelsea aya guul qaali ah waxa ay ka gaareen Tottenham oo ay marti ugu ahaayeen kulan horeyaalka ah iyaga oo ku garaacay hal gool .
Tottenham qeybta hore waxa ay soo bandhigeen ciyaar liidata waxa ayna u muuqudeen kuwo maskixiyan aan u soo diyaar garoobin kulankaas .
Balse qeybta labaad waa ay wacnaayeen waliba fursado xaqiiq ah ayay iska qasaraiyeen , hadaba Jose Mourinho rikoor xun ayuu ka qaaday guul daradaas .
Kulankaan waxa uu Jose u ahaa kiisii 327 ee garoonkiisa iyadoo horyaalka la jooga , waana guul daraadii ugu horeeysay ee is xigta ee garoonkiisa ku qabsata markii ugu horeeysay aayihiisa tababare .
Dhanka kale , Tottenham ayay guul daradaan u tahay middii sesexaad ee xariir ah ee horyaalka ah waana markii ugu horeeysay tan iyo November sanadkii 2012-kii waxaana waqtigaas hogaaminayay macalin André Villas-Boaso
Be the first to comment