Dib U Eegid: Cristiano Ronaldo Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Champions League Ah Kadib Kulankii Young Boys

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa sii wada dhigista rikoodhada kadib markii uu ku bilowday shaxda Man United kulankii Young Boys ee champions League.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa ku bilowday shaxda Man United kulankii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii uu sabtidii u saftay kulankii ugu horeeyay ee premier League.

Cristiano Ronaldo ayaa bar-bareeyay rikoodh taariikhi ah oo ka yaalay champions League kadib markii uu ciyaaray kulankii Ay Man United bar-baraha la gashay kooxda Young Boys.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaray kulankii 177-aad ee champions league isaga oo noqday xiddigii 2-aad ee taariikhda champions League gaadhay rikoodhkaas.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa bar-bareeyay rikoodhkan oo uu horay u dhigay xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Iker Casillas kaas oo rikoodhkaas haystay markii hore.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*