Dib U Eegid: Aymeric Laporte Oo Isku Qoray Taariikhda Carabao Cup-ka.

Daafaca dhexe ee Aymeric Laporte ayaa Kooxdiisa Man City ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka Carabao Cup-ka kulan ka dhacay garoonka Wembley kulan xiiso lahaa.

Daafaca Aymeric Laporte ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka guusha ee ay kooxdiisu ugu guulaystay koobka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Laporte ayaa dhaliyay goolka daqiiqadiin 82-aad xilli ay labada kooxood is dhaafi laayihiin waliba ciyaartu tahay mid aad u adag.

Kadib goolkaas xiddiga Aymeric Laporte ayaa noqday xiddigii 4-aad ee reer France ah ee dhaliya Final-ka Carabao Cup-ka kadib xiddigaha Louis Saha oo United u dhaliyay 2006 iyo Samir Nasri oo u dhaliyay Man City 2016.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*