Dib U Eegid: Arsenal Oo Iska Tirtay Rikoodh Ku Calaamadsanaa Muddo 5 Sano Ah Kadib Guushii Wolves

Kooxda Arsenal ayaa guul lama filaan ah ka gaadhay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Molineux Stadium todobaadkii 33-aad.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Bukayo Saka & Alexandre Lacazette ayaa Arsenal ku hogaamiyay guul ay u baahnaayeen kana caawisay in ay ku dhawaadaan kooxaha kaalmaha hore.

Kadib guushaas Kooxda Gunners ayaa iska tirtay rikoodh calaamad ku ahaa sanadihii ugu dambeeyay gaar ahaan 5-tii sano ee ugu dambaysay horyaalka Prmeier League.

Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay koox ka kaalin saraysa oo ay waliba marti u tahay prmeier League markii ugu horaysay tan ilaa September 2015.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal ka badiso koox ka kaalin saraysa waliba ay marti u tahay ayaa ahayd September 2015 markaas oo ay 5/2 ku garaaceen Leicester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*