Dib U Eegid: Alexandre Lacazette Oo Rikoodh Kala Baxay Kulankii Arsenal Guuldaeada Kala Kulantay Tottenham.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Tottenham kulan ka dhacay garoonka Tottenham Hotspur Stadium Kana tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka Premeir League.

Goolasha oo ay dhaliyeen xiddigaha Heung-Min Son Iyo Toby Alderweireld ayaa Tottenham ku hogaamiyay guul muhiim ah oo ay ka gaadheen kooxda ay jaarka yihiin ee Arsenal.

Dhanka kale goolka kaliya waxa Arsenal u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo goolasha u furay kulanka kana dhaliyay gool qurux badan oo cajiib ah.

Kadib goolkaas xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa rikoodh kala baxay kulanka North London Derby.

Alexandre Lacazette ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal ah ee Tottenham gool ka dhaliya Minin iyo marti tan ilaa Per Mertesacker oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2012/2013.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*