Dib U Eegid : 4- Dhacdo Oo Laga Diiwaan Giliyay Guushii Real Ee Man City

Ka dib ciyaar soo laabasho laheyd oo waqti dheeri lagu daray Real Madrid ayaa finalka Championka waxa ay ku balansadeen Liverpool ka dib markii 3/1 ay ku garaaceen Man City

Hadaba guushaas Real waxaa ka soo baxday xogo muhiim ah oo dhanka taariikhda kubadda cagta

*Benzema ayaa 7 gool Champion-ka ah xilli ciyaareedkaan ka dhaliyay kooxaha reer Ingiriiska , waxa uu noqday laacibka kaliya ee hal xili ciyaareed gudihiisa sidaas ku sameeya taariikhda .

*Pep Guardiola waxa uu hadda la kulmay lix ciribtir oo ah  heerka semi-finalka ee UEFA Champions League

  • Carlo Ancelotti ayaa gaaray finalkii shanaad ee UEFA Champions League (2003, 2005 iyo 2007 AC Milan, 2014 iyo 2022 Real Madrid), waana macalinkii ugu badnaa taariikhda tartanka
  • Rodrygo waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee labo gool dhaliyay daqiiqadii 90aad ee ciyaartii bug-baxa ee UEFA Champions League