Di Maria Oo Maqan & 5-ta Saxiix Oo Ku Jira: Shaxda Ugu Qaalisan PSG Oo La Soo Saaray.

Transfermarkt ayaa cusboonaysiisay qiimahooda ciyaartoy, taasoo la micno ah inay fursad weyn u tahay in la fiiriyo sida ay noqon doonto safka ugu qaalisan Paris Saint-Germain.

Shaxda ugu qaalisan ee PSG ayaa ku fadhiya lacag dhan 745 milyan oo euro iyada oo 5-tii xiddig ee ku soo biiray suuqii xagaaga ku jiraan shaxda.

Waxa shaxda ka maqan xiddiga reer Argentine ee Angel Di Maria kaas oo uu taageero tababaraha kooxda hogaamiya ee Mauricio Pochettino inkasta oo uu haysto xiddigaha Mbappe, Messi iyo Neymar.

Shaxda sidoo kale waxa ka maqan xiddigo ay ka mid yihiin Idrissa Gueye (€15m) & Ander Herrera (€12m) sidoo kale waxa ka maqan xiddigaha Keylor Navas (€7m) Sergio Ramos (€10m).

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

blog_image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*