Di Maria Oo Ka Tagay PSG , Kooxdee Ayuu Ku Wajahan Yahay?

Garabka PSG ee Di Maria ayaa macsalaemeeyay kooxdiisa PSG ka dib 7 sano ee uu la joogay kooxdaas

Laacibkaas ayaa PSG u tagay sanadkii 2015-tii waqtigaas oo uu 63 milyan oo euro uga wareegay Man United

PSG iyo Di Maria ayaa isla meel dhigi waayay hishiis cusub ee uu laacibka saxiixo maadaama hishiiskiisa 30-ka June uu ku siman yahay ,sidaas oo ay tahay waxaa jiray qodob doorasho oo ah sanad kale uu ku dari karo.

Bartiisa Instagaram-ka ayuu soo dhigay sawir isaga iyo saaxibadiisa PSG ah waxa uuna ku qoray “waad mahadsan tihiin”.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli wariyaha ku xeel dheer arimaha suuqa ee Fabrizo uu soo qoray in wadahallo ay u socdaan Juventus iyo laacibka balse aysan weli wax isla meel dhigin.

Intii uu joogay PSG waxa uu u saftay 294 kulan , waxa uu dhaliyay 92 gool halka 118 caawiye uu ka ahaa iyadoo uu la qaaday 5 jeer oo horyaalka ah iyo afar Coupe de France