Dhirbaaxo:Paul Pogba & Bruno Fernandes Oo Ku Dhaawacmay Tababarkii Ugu Dambeeyay Ee Kooxdooda.

Xiddigaha Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba & Bruno Fernandes ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdooda kadib markii ay labada xiddig kubad ku loolameen.

Labada xiddig ayuu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshohooda kulanka Bournemouth ee maalinta Sabtida ah ka dhici doona Old Trafford kana tirsan horyaalka Premier League.

Shilka ayaa dhacay markii uu Pogba ku orday xiddiga ay isku kooxda yihiin xilli uu Solskjaer tababar adag siinayay xiddigaha kooxdiisa.

Labada xiddig ayaa loo qaaday si loo daweeyo iyada oo uu dhaawac halista ah gaadhay xiddiga Bruno Fernandes.

United ayaa diiday in ay wax warbixin ah ka bixiso xaalada labada xiddig taas oo saamayn ku yeelan karta doorashada tababare Solskjaer ee kulanka Bourenmouth.

Dhaawaca labada xiddig ayaa wakhti xun ku soo beegmay marka loo eego in ay kulamo badan ciyaari doonto kooxdu wakhtiga soo socda.

Sii Akhriso: Magaalada Hargiesa Oo Lagu Xidhay Wiil Dhalin-yaro Ah Oo Ku Labistay Calanka Somalia & Hooyadii Oo Hashaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*