Dhirbaaxo: Xiddig Wacdaro Dhigay Euro 2020 Oo Ka Dhaawacmay Xulka Qaranka England Ka Hor Kulanka Ukraine.

Ciyaarista xiddiga Bukayo Saka ee ciyaarista kulanka Xulka Qaranka England ee kulanka Ukraine ayuu shaki soo fuulay kadib markii uu xiddiga da’yarka ah ku dhaawacmay kulankii Germany ee wareega 16-ka tartanka.

Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa sheegay in Bukayo Saka oo 19-jir ah uu mari doono baaritaano caafimaad si loo hubiyo taam ahaanshihiisa.

Saka ayaa Ku bilowday labadii kulan ee England ay la ciyaartay Czech Republic iyo Germany ee ka dhacay garoonka Wembley, inkasta oo lagu badalay Jack Grealish kulankii ugu dambeeyay.

England ayaa kusoo laaban karta daafaca afarta ah kulanka Ukraine, halka Mason Mason iyo Jack Grealish ay ku tartami doonaan booska joogtada ah ee kulanka.

Tababaraha Saddexda Libaax ayaa si cad ugu sheegay inuusan nasin doonin 4-ta xiddig ee kaadhka digniinta ah haysta kulanka caawa” waa in aan hubino taam ahaanshaha Saka, wixii intaas ka badan cid walba waa diyaar”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*