Dhirbaaxo: Xiddig Man City Muddo Dheer Ka Maqnaan Doona Oo La Ogaaday

Xiddiga Ferran Torres ayaa ka maqnaan doona garoomada 6 todobaad kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay intii uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa Spain.

Torres ayaa ku bilowday kulankii Final-ka UEFA Nations League laakiin waxa lagu badalay Mikel Merino kadib markii uu Kylian Mbappe dhaliyay goolka guusha.

Xiddiga ayuu dhaawac jab Laf lugta midig ah soo gaadhay taas oo la macno ah in uu ka maqnaan doono kooxdiisa 9 kulan oo uu ku jiro kulanka Man United.

Torres ayaa sidoo kale seegi doona kulanka PSG ee champions League ee bisha November taas oo dhirbaaxo ku ah kooxda Man City iyo Tababare Pep Guardiola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*