Dhirbaaxo: Xiddig Kale OO Liverpool Ah Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Aston Villa Ee Caawa.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay Liverpool Caawa la ciyaari doonto kooxda Aston Villa.

Saxafiga ku dhaw kooxda Liverpool ee James Pearce ayaa xaqiijiyay in uu Alisson Becker seegi doono kulanka Aston Villa ee caawa sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Goolhaye Alisson Becker ayaa ku dhaawacmay tababarkii ugu dambeeyay ee ay Reds qaadatay waxana uu haatan seegi doonaa kulanka Aston Villa.

Inkasta oo aan la xaqiijin inta uu leegyahay dhaawacu iyo waliba mudada uu garoomada ka maqnaan doono hadana waxa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka caawa.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku noqon doona kooxda Liverpool marka loo eego in ay horay dhaawac ugu wayday xiddiga Sadio Mane kaas oo xanuunka Korona ku seegi doona kulanka.

Sii Akhriso: Madaxweyne Muuse Biixi:”:-Waxa Aan U Sheegaynaa Beesha Caalamka, In Aqoonsiga La Siiyey Somalia Uu Noqday Hub Lagu La Dagaallamo Horumarka & Nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*