Dhirbaaxo: Xiddig Arsenal Muhiim Ka Ah Oo Muddo Bil Ah Garoomada Ka Maqnaan Doona.

Daafaca Arsenal Rob Holding ayaa lagu soo waramayaa inuu muddo bil ah garoomada uga maqnaan doono dhaawac muruqa ah oo ka soo gaadhay garoonka Etihad Stadiun.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa markii hore ku bilowday shaxda Arsenal kulankii Man City laakiin waxa lagu badalay David Luiz kadib markii uu ku dhaawacmay tababarkii is kulaylinta ahaa ee ka hor kulanka.

Haatan wargayka Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England garoomada ka maqnaan doona muddo todobaadyo ah kadib markii baadhitaan lagu sameeyay.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu kooxdiisa ka maqnaan doonaan kulamo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Leicester City iyo Man United.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa xiddig muhiim ah ka noqday kooxda Arsenal tan ilaa markii uu Mikel Arteta isaga oo 6 kulan u saftay tartamada oo dan Gunners xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Xaqiiqada Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi & Wasiirkada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Laga Hadlay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*