DHIRBAAXO: Saacado Ka Hor Tartanka Euro 2020, Karim Benzema Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhay & Tababaraha Oo Ka Warbixiyay.

Tababaraha Xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka hadlay xaalada dhaawac ee weeraryahankiisa Karim Benzema kadib markii uu xiddigu dhaawac uga baxay kulankii Bulgaria ee isku diyaarinta tartanka Euro 2020.

Karim Benzema ayaa dhaawacmay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo la badalay daqiiqadii 38-aad kulankii ugu dambeeyay ee uu xulka qarankiisu isugu diyaarinayay koobka Euro 2020 ee bilaaban doona khamiista.

Tababare Didier Deschamps oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Benzema waxa soo gaadhay dhaawac xun oo muruqa jilibka dushiisa ah waxana uu dareemay xanuun xun”.

“Ma jiraan wax talaabo ah oo la qaaday laakiin waxa aan sugi doonaa baadhitaanka”ayuu sii raaciyay.

Warkan ayaa ah mid u xun xulka qaranka France marka loo eego in uu Karim Benzema yahay xiddigaha ugu muhiimsan xulka waliba si weyn loo filayo in uu uga qayb qaato kulamada xulkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*