Dhirbaaxo: Real Madrid Oo Xaqiijisay Qaliin La Mariyay Kabtankeeda Sergio Ramos, Imisa Kulan Ayuu Seegayaa?

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay war ka nixiyay taageerayaasha Kooxda kadib markii lagu qasbanaaday in uu daafacu maro qaliin si uu uga soo kabsado dhaawacii uu kooxda kaga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda ayaa xaqiijisay in uu Sergio Ramos maray qaliin deg-deg ah oo jilibka lugta bidix ah kadib markii uu dhaawac uga maqnaa kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda ayaa xaqiijisay in uu kabtankeedu haatan bilaabi doono barnaamijkiisa soo kabashada waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo 2 bilood ah.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Sergio Ramos u ciyaaray kooxda ayaa ah 17 bishii January kulankii Semi-finalka tartanka Spanish Super Cup-ka.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid kuwaas oo ku dhibaatoonayay dhanka dhaawacyada xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Ay Dumarku U Doorbidaan Ragga Dhaadheer? 3-dan Sabab Ayaa Ka Dambaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*