Dhirbaaxo: Muddada Uu Virgil Van Dijk Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa war naxdin leh kala kulantay dhaawaca daafaceeda Virgil Van Dijk kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Everton.

Daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk ayaa dhaawac halis ah soo gaadhay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiga reer Holland ayaa haatan la sheegayaa in uu maray baadhitaan ku saabsna dhaawaca soo gaadhay waxana la ogaaday jawaabta dhaawaciisa.

Shabada beINSports ayaa haatan sheegaysa in uu xiddiga reer Holland si xun uga dhaawacmay jilibka kadib isku dhicii Goolhayahay Everton.

Sidaas darteed Daafaca Virgil Van Dijk ayaa la sheegayaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexaysa 7 ilaa 8 bilood kadib dhaawaca soo gaadhay.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*