Dhirbaaxo: Mudada Uu Kevin De Bruyne Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday

Kooxda Man City ayaa war xun kala kulantay dhaawaca soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Aston Villa ee Premeir Legaue.

Xiddiga kubad sameeyaha ee Kevin De Bruyne ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah kadib dhaawac soo gaadhay.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa ku dhaawacmay kulankii Aston Villa lagana saaray markii ay ciyaartu socotay 60 daqiiqo waxana haatan la xaqiijiyay dhaawciisa.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Kevin De Bruyne garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah ama 4 todobaad ah kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

De Bruyne ayaa seegi doona kulamo muhiim ah oo ay ciyaari doonto kooxda Man City kana mid yihiin Liverpool iyo Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*