Dhirbaaxo: Mudada Uu Kevin De Bruyne Garoomada Ka Maqnaan Doona Oo La Ogaaday.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay waayi karto Kevin De Bruyne muddo bil ah sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah oo xiddiga soo gaadhay kulankii chelsea.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee kulankii chelsea ee qaybtii dambe kulankii Semi-final-ka kadib markii uu ka dhaawacmay kuraanta.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in laga cabsi qabo in uu dhaawac halis kuraanta ka soo gaadhay taas oo la macno ah in uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu De Bruyne maray baadhitaan sidoo kale la shaacin doono natiijada saacadaha so socda waxana laga cabsi qabaa in uu seegi doono kulamada champions league iyo kulanka Tottenham.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaawac ku seegay intii u dhexaysay 26 January ilaa 13 Februay sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah soo gaadhay laakiin ku soo laabtay qaab ciyaareed fiican kulamadii uu dambeeyay.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*