Dhirbaaxo: Mudada Uu Gareth Bale Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya Spain ayaa shaaca ka qaaday mudada uu xiddiga Gareth Bale ka maqnaan doono aroomada kadib dhaawacii ugu dambeeyay ee soo gaadhay.

Xiddiga reer Wales ayaa dhaawac ku seegay kulankii ay Real Madrid guusha 5/2 ah ka gaadhay Celta Vigo ee ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay Bernabue.

Shabakada Cuatro ayaa sheegaysa in uu xiddiga reer Wales dhaawac xun ka soo gaadhay muruqa jilibka lugta midig waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa 2 bilood iyo wax ka badan.

Inkasta oo ayna kooxdu xaqiijin warkaas hadana tababare Ancelotti ayaa aaminsan in uuna xiddigu heli doonin ilaa laga gaadhayo bisha November ee soo socota ama dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*