Dhirbaaxo: Modric Oo Dhaawac Kula Soo Laabtay Real Madrid, Imisa Ayuu Maqnaan Doonaa?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa dhaawac kala soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddig 37 jirka ah ayaa ciyaaray labadii kulan ee uu xulka Croatia ciyaaray tartanka Nations Legaue intii lagu jiray fasaxa isaga oo gool ka dhaliyay xulka Autaria.

Modric ayaa xulkiisa ka caawiyay in ay gaadhaan Semi-ifnla-ka Nations League laakiin waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo kooban.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Modric ayaa Real Madrid kula soo laabtay dhaawac waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo u dhexaysa 8 ilaa 10 maalin.

Sidaas darteed xiddiga khadka dhexe ayaa seegi doona kulanka La Liga ee Osasuna iyo Getafe iyo kulanka champions League ee Shakhtar Donetsk.

Modric ayaa laakiin taam buuxa u noqon doona kulanka El Clasico ee ka dambeeya lana ciyaari doono 16 bisha soo socota ee October.