Dhirbaaxo: Masiibo Dhaawac Oo Durba Ku Habsatay Arsenal Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub, Xiddig Muhiim Ah Ayaa Ka Dhaawacmay.

Masiibada dhaawacyada ayaa durba ku bilowday kooxda Arsenal kadib markii uu xiddiga Thomas Partey dhaawac uga baxay kulanka saaxiibtinmada ah ee ay Arsenal la ciyaarayso kooxda chelsea.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay kuraanta kadib markii uu kubada kula loolamay xiddiga chelsea ee Ruben Loftus-Cheek.

Xiddiga reer Ghana ayaa lagu badalay xiddiga Granit Xhaka daqiiqado ka hor intii uuna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta oo ka tirsanayn isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal marka loo eego in bilowga xilli ciyaareedka ka dhimantahay 2 toodbaad waliba Thomas Partey la dhibaatooday dhaawacyo intii badnayd xilli ciyaareedkii hore.

Tababare Mikel Arteta ayaa rajaynaya in uuna dhaawaca soo gaadhay Thomas Partey ahayn mid halis ah waliba uu taam u noqdo kulanka Ugu horeeya ee horyaalka premier Leaue ee xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*