Dhirbaaxo: Man United Oo Dhaawac Ku Wayday Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Kulankii Aston Villa.

Kooxda Man United ayaa dhaawac ku wayday labada daafac ee Luke Shaw & Harry Maguire intii lagu jiray kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Aston Villa.

Shaw ayaa dhaawcmay bartamihii qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii uu isku dayay in uu kubad la ordo waxana uu ku dhibaatooday in uu sii wato ciyaarta.

Xiddiga Shaw ayaa daqiiqadii 34-aad lagu badalay xiddiga Diogo Dalot kaas oo kaydka fadhiyay waliba fursadiisa sugayay.

Sidoo kale kabtanka Man Unied ee Harry Maguire ayaa dhaawacmay sidoo kale qaybtii dambe waxana lagu badalay xiddiga Victor Lindelof kadib markii ciyaartu maraysay 60 daqiiqo.

Dhaawaca Labada xiddig ayaa dhirbaaxo ku ah Man Unitd marka la oo eego in ay kooxdu ciyaari doonto kulamo adag wakhtiga soo socda uguna horeeyo kulanka Villarreal ee champions League.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*