Dhirbaaxo: Liverpool Oo Waayi Doonta 4 Xiddig Kulanka Atletico Madrid.

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay dhirbaaxo ka hor kulanka champions Leaue ee ay la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid kadib fasaxa xulalka.

Kooxda Klopp ayaa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan wareega 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Klopp ayaa kulankaas ciyaari kara isaga oo ay ka maqanyihiin 4 xiddig oo kooxdiisa 1-aad ah sabab la xidhiidha waajibaadka xulalkooda.

Wargayska Tribuna ayaa sheegaya in ay xiddigaha Alisson, Mane, Tsimikas iyo Fabinho ka maqnaan karaan kulanka Atletico Madrid ee champions Leaue.

Sababta ay xiddigahaas ku seegi doonaan ayaa ah in ay gali doonaan 10 maalin oo karantiil ah marka ay ka soo laabtaan waajibaadka xulalkooda taas oo la macno in ay seegi doonaan kulanka Atletico Madrid.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*