Dhirbaaxo: Liverpool Oo Dhaawac Ku Wayday Mohamed Salah Qaybta Hore Ee Final-ka FA Cup-ka.

Masiibada Dhaawacyada Liverpool ayaa sii socda kadib markii ay dhaawac ku wayday xiddiga Mohamed Salah Qaybta hore ee Final-ka FA Cup-ka.

Xiddiga ugu goolasha badan Liverpool ayaa dhaawacmay markii ay ciyaarto 30 daqiiqo ku dhawaad maraysay waxana lagu dhex daweeyay garoonka.

Laakiin Xiddiga reer Masar ayaa ugu dambayn lagu badalay xiddiga Diogo Jota waxana uu u muuqday mid ku dhibaatoonaya dhaawac Jilibka ah waxana uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Salah ayuu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshiiisa Final-ka FA Cup-ka ee dhamaadka bishan kadib marka uu dhaawaca uga baxay kulanka FA Cup-ka qaybta hore ee ciyaarta.

Dhaawaca Salah ayaa imanaya xilli ay Liverpool maalmo yar ka hor dhaawac ku wayday xiddiga Fabinho kaas oo muhiim u ah kooxda Tababare Jurgen Klopp.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*