Dhirbaaxo: Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Liverpool Ka Maqnaan Kara Kulanka Arsenal.

Thiago Alcântara iyo Alisson ayaa labadoodaba shaki ku jiraa kulanka Liverpool ee berri ee Arsenal ka dib markii ay awoodi waayeen inay si buuxda ula tababartaan kooxda inteeda kale.

Tababaraha Liverpool ayaa haatan sugaya warbixin laga siiyo taam ahaanshohooda iyada oo Goolhayaha badalka ah ee Adrian ka ciyaari doono goolka hadii uu Alisson seego.

Goolhayaha reer Brazil ee Alisson ayaa Tababarka ku seegay sabab aan la cadayn ka hor kulanka adag ee ay Isniinta kooxdiisu la ciyaari doonto Arsenal.

Dhanka kale Thiago oo dhawaan 20 milyan ugu soo biiray Liverpool ayaa sidoo kale sabab aan la garanayn ku seegay tababarka kooxda.

Warkan ayaa imanaya wakhti xun oo ay Liverpool dhaawac uga maqanyihiin xiddigaha Jordan Henderson iyo daafaca dhexe ee Joel Matip.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*