Dhirbaaxo: Chelsea Oo La Kulantay Dhirbaaxo Dhaawac Saacado Ka Hor Kulanka Fc Porto.

Kooxda chelsea ayaa la kulantay dhirbaaxo dhaawac saacado ka hor kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Fc Porto kana tirsan lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions Leageu.

Tababare Thomas Tuchel iyo chelsea ayaa kulanka caawa soo gali doona la’aanta xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic kaas oo dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay tabaabrkii Isniintii.

Thomas Tuchel ayaa haatan ku qasbanaan doona in uu badal ku sameeyo shaxdiisa isaga oo ku bilaabi doona xiddiga dhawaan dhaawaca ka soo kacay ee N’Golo Kante kulanka caawa ee champions League.

Xiddiga Mateo Kovacic ayaa fure u ahaa kooxda chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya aan ciyaarin 3 kulan tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda chelsea.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda chelsea marka loo eego in ay kulamo muhiim ah ciyaari doonto maalmaha soo socda kuwaas oo go’aamin kara xilli ciyaareedkooda.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*