Dhibcaha Ay Real Madrid U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa talaabo weyn u qaaday ku guulaysiga horyaalka La liga kadib markii ay guul ka gaadheen kulankii ugu adkaa ee u hadhay horyaalka La Liga.

Inkasta oo ay Barcelona sidoo gale badisay kulankoodii Villarreal Los Blancos ayaa hadana hogaaminaysa horyaalka iyada oo la galay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedka.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa 4 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka La Liga taas oo la macno ah in ay u baahantahay 2 guul iyo 2 bar-baro 4-tooda kulan ee ugu dambeeya si ay ugu guulaysato horyaalka.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxaha Alaves, Granada, Villarreal & Leganes waxana ay u baahanyihiin kaliya 8 dhibcood si ay ugu guulaystaan horyaalka Prmeier League.

Dhibcahaas ayay Real Madrid ku gaadhi kartaa 2 bar-baro iyo 2 guul ama 3 guul iyo hal guuldaro.

Hadii ay kooxda Barcelona dhibco kale lumiso Los Blancos ayaa horyaalka ku guulaysan doonta wakhti ka horeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*