Dhibaatada Barcelona Ee Garoonkeeda Champions League Oo Wali Sii Socota.

Garoonka Camp Nou ayaan ahayn mid laga cabsado haatan marka laga hadlayo tartanka champions League maadama lagu garaaco garoonkeeda.

Barcelona ayaa salaasadii guuldaro 3/0 ah kala kulantay Bayern Munich kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa campions League taas oo la macno ah in kulankii 3-aad oo xidhiidh lagu garaacay Barcelona tartanka champions League garoonkeeda.

Barcelona ayaa haatan garoonkeeda lagu garaacay 3 kulan oo xidhiidh ah kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxaha Juventus, PS iyo Bayern Munich tartanka champions league.

Waxa intaas sii dheer in ay Barcelona kaliya hal gool dhalisay kulamadaas laakiin laag dhaliyay 10 gool 3-daas guuldaro ee ay kala kulantay champions League iyo garoonkeeda.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*