
Kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in uu dhaawacmay xiddigooda ee Carvajal , wax a ayna umurtaas ku shaaciyeen qoraal ay soo dhigeen Twitter-ka
Carvajal ayaa ka maqnaa tababarkii kooxda ee galabtii jimcaha , mana sheegin Real mudada uu maqnaan doono laacibka
Real kaliya waxa ay xaqiijiyeen in laacibka uu ka sheeganayo dhaawac muruqa ah waxa ayna eegi doonaan waxa ka soo kordha xaaladdiisa .
Dhaawaca Carvajal ayaa imaanaya ka hor kulanka Real ay la ciyaarayaan Deportivo Alaves ee La Ligaha .
Laacibkaas ayaa dhawaanahaan u nugul dhaawacyo , waxa uuna Octbertii la soo dhaafay la kulmay dhaawac ka haleelay jilibka lugta middig
Dhanka kale wargeyska AS ayaa qoraya in laacibka uu garoomada ka maqnaanayo muddo laba todobaad ah waxaana loo badinayaa in uu la lug heli doono kulanka Atletico Madrid ee 12-ka December
Be the first to comment