Dhaawacyada Liverpool Oo Sii Badanaya & Xiddig Kale Oo Ka Dhawaacmay Reds.

Dhaawacyada Liverpool ayaa maraya meeshii ugu xumady kadib markii uu xiddig kale ka dhaawacmay Reds intii lagu jiray kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Brighton.

Kooxda Liverpool ayaa dqiiqadii 74-aad dhaawac ku wayday xiddiga khabiirka ah ee James Milner kaas oo ka ciyaarayay garabka daafaca Midig.

James Milner oo ku bilowday ciyaarta ayaa qaybtii dambe ka ciyaaray garabka daafaca midig kadib markii uu qaybtii hore ka ciyaaray khadka dhexe.

Xiddiga ayaa ka dhaawacmay muruqa isaga oo la arkay isaga oo muruqa is haya ka hor intii aan dhaawaca looga saarin kulanka.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*