Dhaawaca Booska Daafaca Midig Ee Real Madrid Oo Masiibo Ku Noqday Zinedine Zidane Kadib Dhaawacii Nacho.

Booska daafaca Midig ayaa Real Madrid xilli ciyaareedkan ku noqonaya mid masiibo ah iyada oo xiddig walba oo ka ciyaara uu dhaawacmayo.

Xiddiga Nacho ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawacma isaga oo booska daafaca Midig ka ciyaaraya kulankii Barcelona ee horyaalka La Liga.

Xiddiga Nacho ayaa dhaawacmay daqiiqadii 43-aad ee qaybtii hore iyada oo lagu badalay xiddiga Lucas Vazquez kaas oo ka ciyaaray ilaa dhamadka ciyaarta.

Kadib dhaawaca Nacho waxa Los Blancos ka dhaawacmay dhamaan 3-dii dookh ee uu Zidane u haystay booska daafaca midig kadib markii ay horay u dhaawacmeen xiddigaha Dani Carvajal & Alvaro Odriozola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*