Depay, Ronaldo, Ramos, Mbappe, Varane, Alaba, Haaland & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Aston Villa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Birmingham Mail).

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sheegay in ayna kooxuhu la soo saxiixan karin xiddigaha Kylian Mbappe iyo Erling Haaland la’aanta tartanka European Super League (El Larguero).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernande ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Man United hadii uu Paul Pogba kooxda u saxiixi waayo heshiis cusub (Sun).

Xiddiga garabka uga ciyaara Arenal ee Willian ayaa sheegay in uu isaga tagi doono Arsenal marka uu kooxda koob kula guulaysto (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga Memphis Depay si ay u hesho saxiixiisa suuqa xagaaga (Esport3).

Daafaca kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa sheegay in uu xiddiga David Alab ku biiri doono kooxda Real Madrid xagaaga (Goal).

Ku Biirista David Alaba ee Real Madrid ayaa kooxda Man United ka caawin karta saxiixa daafaca dhexe ee Raphael Varane (Manchester Evening News).

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa meesha ka saaray in uu Cristiano Ronaldo ku soo laaban doono kooxdiisa xagaaga (Cadena SER).

Madaxweynaha Real Madrid ayaa sidoo kale shaki galiyay sii joogista xiddiga Sergio Ramos ee kooxda Real Madrid wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan (Cadena SER).

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United u soo bandhigayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot si ay dhankooda u helaan saxiixa xiddiga daafaca bidix ee Alex Telles (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSG ee Julian Draxler (Fussball Transfers).

Xiddiga Martin Odegaard ayaa la xaqiijiyay in uu ku laaban doono kooxda Real Madrid marka uu dhamaado heshiiskiisa Amaahda ah ee uu kula joogo Arsenal (Don Balon).

Laakiin Real Madrid ayaa Gunners u soo bandhigtay in ay amaah ku qaadato xilli ciyaareedka dambe xiddiga da’yarka ah ee Takefusa Kubo (Don Balon).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*