Demba Ba Oo Sharaxay Sababtii Uu Jose Mourinho Uga Hor Istaagay In Uu Ku Biiro Arsenal.

Chelsea ayaa aad u doonaysay in ay Demba Ba ka iibiso Arsenal sanadkii 2013 laakiin Jose Mourinho ayaa joojiyay daqiiqadii ugu dambaysay.

Gunners ayaa doonaysay in ay hesho weeraryahanka reer Senegal 7 sano ka hor markii uu Arsene Wenger hogaaminyay kooxda.

Tababaraha reer France ayaa la xidhiidhay Ba si uu ugu qanciyo in uu maalintii ugu dambaysay ee suuqa sanadkaas ku biiro kooxda Arsenal.

Si kasta ha ahaatee kadib markii uu u soo duulay London si uu caafimaadka ugu maro ayuu heshiisku bur-buray.

Isagoo la hadlayey majaladda FourFourTwo, Ba Ayaa yidhi”Xaqiiqdii aad ayaan ugu dhawaa ku biirista Arsenal”.

“Waxa aan joogay Gurigayga Ku yaala Paris waxana aan qaadanayay maalin fasax ah markii aan telefoon ka helay Arsene Wenger waxa uu i waydiiyay in aan ku laaban karo London si aan Arsenal tijaabada caafimaadka ugu maro”.

“Waxa aan toosay 9 subaxnimo maalintii ugu dambaysay suuqa waxa aan raacay tareen waxana aan aaday London laakiin heshiisku ma dhicin”.

“Arsenal ayaa samaysay dhawr saxiix maalintaas sida Mesut Ozil, iyo Emiliano Viviano, Mourinho ayaana doortay in uu joojiyo heshiiska sababta oo ah ma doonayn in uu xoojiyo kooxda la xafiiltanta Chelsea”.

Sii Akhrriso: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*