Demark Mise England? Peter Schmeichel Oo Magacaabay Xulka Ugu Cad-Cad In Uu Iska Xaadiriyo Final-ka Euro 2020.

Halyeeyga Manchester United Peter Schmeichel ayaa sheegay in Denmark ay ‘ugu cadcad tahay’ inay garaacdo England semi-finalka Euro 2020 ee labaad.

Italy ayaa rikoodhayaal ku garaacay xulka Spain kulankii 1-aad ee Semi-final-ka euro 2020 waxana ay labada xul ee England iyo Denmark ku kulmi doonaan Wembley.

Labada xul ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ay ciyaareen ilaa haatan tartanka Euro 2020 waxana ay labada xul isha ku hayaan final-ka tartanka.

“Haddii aan runta sheego, waxaan u maleynayaa in Denmark ay ugu cadcad tahay”ayuu Schmeichel u sheegay MUTV.

“Waxan u malayanaya in uu kulanku noqon doono mid adag”.

“Waxa jira isku ekaansho labada tababare ah, waa laba tababare oo isku qaab ciyaareed ah waxana ay doonaan in ay adkeeyaan difaacooda iyo khadkoda kale waxana ay haystaan xiddigo tayo leh marka laga hadlayo garbaha”.

“Waxa aan aaminsanahay in uu yahay kulan isku dheelitiran inkasta oo ay dadka ku nool aaminsanyihiin in uu xulka England awood badanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*