Dejan Lovren Oo Fariin U Diray Alisson Kadib Khaladkii Waalida Ahaa Ee Uu Sameeyay Xasuuqii Man City.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Dejan Lovren ayaa fariin u diray Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson kadib khaladaadkii waalida ahaa ee uu sameeyay kulankii Man City.

Goolhaye Alisson ayaa sabab u ahaa guuldarada kooxdiisa ka soo gaadhay Man City kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka Premier League.

Goolhaye Alisson ayaa sameeyay laba khalad oo waali ah taas oo ay Man City ka dhalisay goolal xilli ay Man City 10 dhibcood ka horayso Liverpool.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Dejan Lovren fariin u diray Goolhayaha reer Brazil oo qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulanka.

Lovren ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Waxa aan wax ka baranaa Fashilka, guusha waxba kama barano AB”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*