DEG-DEG::Xiddiga Ku Guulaystay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Bisha September Oo La Shaaciyay.

Xiddiga Weerarka uga ciyaara Man United ee Marucs Rashford ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican bisha September ee horyaalka premier league.

Marcus Rashford ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay bishii September horyaalka premier League isla markaas kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho guulo muhiim ah.

Rashford ayaa dhaliyay 2 gool halka uu caawiyey 2 kale kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisa bisha September ee horyaalka premier League.

Xiddiga reer England ayaa Red Devils ku hogaamiyay 2 gool bisha September xilli ay garaaceen kooxo ay ka mid tahay Arsenal.

Rashford ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Philip Billing (Bournemouth), Kevin De Bruyne (Man City), Pierre-Emile Hojbjerg (Tottenham), Alex Iwobi (Everton) & Jacob Ramsey (Aston Villa).