DEG-DEGL: Liiska Xiddigaha U Tartamaya Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Oo La Soo Saaray, U Codee Xiddiga Aad Taageerto.

Waxa La soo saaray Liiska 7-da xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkii dhamaade ee abaalmarinta ay bixiso EA SPORTS.

Taageerayaasha ayaa ka qayb qaadan kara codaynta iyaga oo ilaa 10 bisha August kaga qayb qaadan kara codaynta una codayn kara xiddiga ay u arkaan midka ugu fiican.

Abaalmarinta ayay codaynayaan kabtanada 20-ka kooxood ee premier League, iyo waliba khabiiro kubada cagta ah.

Image

Trent Alexander-Arnold (LIV):

Daafaca Midig ee kooxda Liverpool ayaa ciyaaray kulan walba oo Premier League ah isaga oo door muhiim ah ka qaatay ku guulaysiga kooxdiisa ee horyaalka kadib markii uu sameeyay 13 gool sidoo kale dhaliyay 4 gool oo kale.

Kevin De Bruyne (MCI):

Xiddiga reer Belguim ayaa xilli ciyaareedkna ahaa boqorka caawinta isaga oo bar-bareeyay rikoodhak 20-ka caawin ee xilli ciyaareedka sidoo kale dhaliyay 13 gool waxana uu dhaliyay gool noqday midka ugu fiican bishii la soo dhaafay.

Jordan Henderson (LIV)

Kabtanka Liverpool ayaa ahaa hogaamiyaha Reds ee garoonka dhexdiisa iyo waliba dibadiisa isaga oo ku guulaystay in uu dilo kubad walba ama uu soo celiyo kubad walba kulamada uu u ciyaaray kooxdiisa isaga oo sidoo kale dhaliyay 4 gool caawiyene ka noqday 5 kale.

Danny Ings (SOU)

Weeraryahanka Southampton ayaa laba jibaaray goolashiisii abid ugu fiicnaa hal xilli ciyaareed, isagoo dhaliyay 22 gool isaga oo kaliya ka dambeeyay xiddiga Jamie Vardy waxana uu caawiye ka noqday 2 gool oo kale.

Sadio Mane (LIV)

Weeraryahanka reer Senegal ayaa dhaliyay 18 gool waxana uu caawiye ka noqday 7 kale isaga oo inta badan kooxdiisa u dhaliyay wakhtiyo xasaasi ah isaga oo 5 kulan dhaliyay wakhtigii dhimashada waliba qaar kale rikoodhayaal ku guulaystay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Nick Pope (BUR)

Goolhayaha Burnley ayaa shabaqiisa ilaashaday 15 kulan isgaa oo kulan ka yar xiddiga ku guulaystay Gacanta dahabka ah ee Ederson waxana uu badbaadiyay 120 gool waana in ka badan Goolhayaha man City.

Jamie Vardy (LEI)

Gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League oo leh 23 gool, weeraryahanka Leicester ayaa 11 gool ku dhaliyay cagtiisa Midig halka uu 9 kale ku dhaliyay Bidix waxana uu sidoo kale sameeyay 12 fursadood oo waaweyn isaga oo 5 caawin sameeyay Halkan Hoose Riix si aad ugu codayso xiddiga aad doonayso

Sii Akhriso: Af-hayeenka Madaxtooyada Taiwan Oo Ka Fal Celiyay Diidistii Somaliland Diiday Dalabkii Shiinaha.

5 Comments

  1. Kevin debrune is the best player in premier league in this season because he broke the score of Henry so that is why to successful

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*