DEG-DEGl Arsenal Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Ben White, Laakiin

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Brighton ee Ben White sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal oo horay ugu fashilantay dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo euro ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan miiska saartay dalab cusub oo dhan 45 milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo Guno ah taas oo kor ugu kacaysa 50 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee kooxda Brighton ayaa wali ku adkaysanaya in ay doonayso lacag dhan 50 milyan oo ah lacag toos ah halka horena laga bixinayo.

Wadahalada labada kooxood ayaa wali socda iyada oo ay ka wadahadalayaan qaabka loo bixinayo lacagta xilli uu xiddigu xulka England kala qayb galayo tartanka Euro 2020.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa rajaynaya in uu noqdo xiddig Arsenal ah marka uu dhamaysto tartanka Euro 2020 isaga o rajaynaya in ay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha maalmaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*