DEG-DEG: Xulka Iraq Oo 40 Sano Kadib U Soo Baxay Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Ciraaq ayaa si Rasmi ah ugu soo baxay koobka adduunka sanadkan ka dhici doona America, Mexico iyo Canada.

Xulka Ciraaq oo markii ugu dambaysay ka qayb galay koobka adduunka sanadkii 1986 markaas oo lagu qabtay dalka Mexico ayaa ka badiyay xulka Bolivia kulankii is reeb-reebka ahaa ee loogu soo baxayay koobka adduunka

Xulka Ciraaq ayaa ku badiyay 2/1 kulan xiiso lahaa oo soo galay wakhtigii saalada subax wakhtiga Somaliya.

Xulka Ciraaq ayaa muddo 40 sano ah sugayay in ay ka qayb galaan koobka adduunka waxana ay haatan xaqiijiyeen ka qayb galkooda tartanka sanadkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga