DEG-DEG: Xilli Ciyaareedkii Kai Havertz Oo Soo Dhamaaday.

Weeraryahanka Arsenal Kai Havertz ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac muruqa ah garoomada kaga maqnaan doona inta dhiman xilli ciyaareedka intii ay kooxdu ku sugnayd tababarka Dubai.

Xiddiga reer Germany ayaa muhiim u u ahaa kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan isaga joogto ugu ciyaaray kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa ku soo laabatay England kadib markii uu dhamaaday tababarkii Dubia iyada dhaawac ku wayday Havertz.

Warka ayaa soo baxay Salaasadii iyada oo xiddiga baadhitaan mari doono si loo ogaado inta uu dhaawacu leegyahay.

Haatan wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddigu halis ugu jiro in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Waxa la go’aamin doonaa in uu xiddigu u baahanyahay qaliin Iyo in kale laakiin xiddigu waxa uu diirada saari doonaa xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga